Soomaalida sharciga looga diiday Dalka Holland oo ku Jahwararsan Magaalada Amsterdam!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

0
152

Soomaalida qaxootiga ee sharciga looga diiday dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay jaah wareer la xiriira meel ay cag dhigaan iyadoona meel walba laga cayrinaayo taas oo keentay inay meel ay galaan ay waayaan.
2 3 1Soomaalidaan oo laga soo eryadan guryo ay horey u wada jabsadeen qolooyin kale oo qaxooti ahaa ka dib muran iyo is qabqabsi soo kala dhexgalay Soomaalidaas iyo qaxootiga kale ayaa hada waxay meehanaabayaan wadooyinka magaalada Amsterdam ayagoo meesha ay cag dhigaanba ay booliiska magaaladu ku raad joogaan oo ay ka cayrinayaan Soomaalidaan oo markii ay qaxootigii kale ay ka soo ceyrsdaeen dhismihii weynaa ee ay kuwada noolaayeen u soo guurey bartamaha magaalada Amsterdam gaar ahaan halka lagu magacaabo de Dam oo ah goob qiimo weyn ku leh magaalada Amsterdam ayaa waxaa halkaas ka saarey booliiska magaalada Amsterdam, ka dibna waxay qaxootigaas u baqooleen xarunta dowlada hoose ee magaalada Amsterdam ayagoona codsaday inay la kulmaan duqa magaalada Amsterdam ninka lagu magacaabo Eberhard van der Laan laakiin arintaas ayaan u suuro galin qaxootigaas Soomaaliyeed iyadoona uu mar kale uu boolissku soo gaaray goobtaas islamarkaana uu ka codsaday inay goobtaas faarujiyaan Laakiin qaar ka mid ah Soomaalidaas oo ka dhega adaygay arinkaas ayey booliisku xabsiga dhigeen iyadoona ay booliisku qabteen ilaa iyo 31 qofood oo ka mid ah Soomaalidaas, Qaxootigaan Soomaalida oo ah kuwo dalka Holland looga diiday sharciga dalkaas iyadoona loo sheegay inay dalkooda ku noqdaan laakiin Soomaalidaas ayaa ku doodaaya inaysan xilligaan ku noqon karin dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas ay noqdeen kuwo meel walba laga saaro oo ay ayaga iyo booliiska magaalada ay ku jiraan is cayrsi ayaa qaar ka mid ah qaxootigii kale ee ay Soomaalidaas wada socdeen waxay badankood ku sugan yihiin dhismo dabaq ah oo ay qaxootigaas jabsadeen laakiin Soomaalidaas ayaa sheegaayo inay dhismahaas ku qabaan dhibaato weyn maadaama aysan lahayn wax raashin ah iyo sidoo kale qubeys, Laakiin warka ayaa sheegaayo inuu Soomaalidaas uu dagaal ku dhexmaray halkaas qaar ka mid ah qaxootiga kale ka dibna laga eryaday goobtaas, Dhanka kale waxaa jira warar Fadeexad ah oo ku saabsan qaxootigaas Soomaaliyeed ka dib markii mid ka tirsanaa qaxootigaas Soomaalida uu faraxumeeyey gabar yar oo 10 sano jir ah, Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Cali H. ayaa waxaa uu ku jiraa xabsiga, Ninkaan ayaa gabadhaas yar oo ay dhashay haweeney u soo gurmatey qaxootigaas inay caawiso waxaa uu ka helay halka ay ku noolaayeen qaxootiga oo ay soo booqatey haweeneydaas iyo gabadheeda yar falkaan oo dhacay bishii Feberaayo ee sanadkaan ayaa un ay hada soo bandhigtay saxaafada dalka Holland.

Abdirizak M. (Xiireey)

Holland

Abdirizakxiireey@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here