DHISMO Masaajid Taariikh fog lahaa oo loo bedelay Xarun Safaarad Mareykanka ku yeelanayo Magaalada Muqdisho, Daawo Sawirada

0
356

Masjidka C/casiis oo ka mid ah goobaha Taariikhiga ah ee Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bilowday burburin iyadoo dhulka dhigtay masaajidkii taariikhiga ahaa ee dhisnaa 775 sano.
2 1

Masjidka C/casiis ayaa Taariikhda Soomaalida waxaa lagu sheegaa in la dhisay qarnigii 12-aad Sanadkii (1238) wuxuuna dhisan yahay 775 sano, wuxuuna kow ka yahay dhismooyinka khadiimiga ah ee Soomaaliya caanka ku tahay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ugu deeqday Mareykanka si Safaarad uu ugu dhisto.

Dowladda waxay horay u sheegtay in dayactir lagu sameynayo, hase ahaatee dhulka ayaa la dhigay dhismaha Masjidka.

Xildhibaan Maxamed Axmed Kulalihi ayaa ka hor sheegay fadhi Baarlaamaanku lahaa in Dowladda ay dhul ahaan usiisay mid kamid ah raadadka Somaila lagu qaqaanay ee wali Muuqday balse dhawaan la baabi,yay.

“Waxaan rabaa inaan halakan ka sheego in Dowladdu ay gashay fal Danbiyeed aad u culus Masjidkii C/casiis ayaa waxaa Dhul ahaan Loo siiyay halka uu uu yaalo Maraykanka Oo Safaarad Ka dhisanaya” Ayaa Yirii Xildhibaan KulaLihi.

Majiro wax war ah oo ilaa iyo hada kasoo baxay DFS oo ku aadan Bur burinta Masjidka C/casiis oo kamid ah Raadadka Taariikhda Soomaaliya.

Dal walbo wuxuu ku faanaa loona dalxiis tagaa goobo Taariikhi ah oo la dhowro lana ilaaliyo si uu weligiis u jiro, haddii arintan ay rumowdana dowladda Federaalka arintani waxay kala kulmi doontaa fadeexad iyo magac xumo in dhismo khadiimi ah oo haddana masjid ah in loogu deeqo dal shisheeye.

Xiligii Maxmaddii Sheekh Cali Dheere ay ka talineysay Waqooyiga Muqdisho sanadkii 1995-kii ayaa waxay burburisay dhismihii khadiimiga ahaa ee Kaniisadii Talyaaniga ku tiilay Xamar-weyne iyo sanamyo ku yiil afka hore ee garoonka ciyaaraha Canis.

Cali Muxiyaddiin:

Email: Muxiyaddiin@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here