Haweeney ku dhaawacantay Samsung Galaxy ku dhex qarxay jeebkeeda + Sawirro

0
158

Fanny Schlatter oo ah 18 jir u dhalatay Dalka Switzerland ayaa dhaawac uu ka soo gaaray cajarkeeda midig kadib markii taleefoonkeeda gacanta oo ahaa Samsung Galaxy S3 uu ku dhex qarxay jeebkeeda.Gabadhaan oo sheegtay in ay Maxkamad la fuulayso shirkada Samsung ayaa teleefoonka uu ku qarxay xili ay ku jirtay shaqo barasho dhinaca rinjiga, waxa ayna tiri
4 5 1 2 3

“Ma dareemin wax aan ugu shakin karay oo taleefoonka uu sidaan ugu qarxi karay, waxaan halmar maqlay dhawaq weyn oo midka rasaasta ama qaraxyada camal ah oo si deg deg ah u dhacay, kadibna waxaa ii soo uray kiimiko oo islamarkiiba holcisay surwaalkii shaqada ee aan watay

Waxaa islamarkiiba u soo gurmaday dadkii ay la shaqeynaysay, xili dabka uu wada qabsan rabay ilaa garbaheeda oo ula cararay suuliga qabeyska ee ugu dhowaa halkaas oo ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabkii ka dhashay qaraxa Mobile ka Samsung Galaxy S3.

Fanny Schlatter oo dhaawaca uu ka muuqdo cajirkeeda midig ayaa soo bandhigtay haraagii Mobile ka Samsung ee ku qarxey jeedkeeda iyo dharkii shaqada ee ay wadatay xiliga uu ku qarxayay, waxaana ay hada qorsheynaysaa in ay sharciga la tiigsato shirkada kuuriyaanka ah ee sameysay Samsung Galaxy S3.

Afhayeen u hadlay Samsung ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay soo gaarto dacwada ay qabto gabadhaasi ay gudda galayaan baaritaan ay ku xaqiijinayaan waxa dhab ahaan sababay in badeecadooda Samsung Galaxy S3 uu qarxo oo waliba dhaawac uu gaarsiiyo qof ka mid ah macaamiishooda.

Waa markii ugu horeysay ee taleefoon Samsung Galaxy S3 uu sidaan u qarxo iyadoo Bariga taleefoonka uu yahay waxa dhab ahaan qarxay sababayna dhaawac gubasho ah oo halis ah.

Xigasho fogaanarag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here