WAR DEG DEG AH:Bankiga Barclays bank ee dalka UK oo goor dhaw ku dhawaaqay inuu joojiyay wada shaqeyntii uu la lahaa Xawaaladaha Soomaalida

0
151

Bankiga Barclays bank oo xiriir wada shaqo kala dhaxeeyay xawaaladaha Soomaalida ee dalka UK ayaa goor dhaw ku dhawaaqay inuu joojin doono dhamaan wada shaqeyntii la lahaa xawaaladaha Soomaalida ee dalka Ingiriiska.
breaking_news_37595

Warkan oo daqiiqado ka hor soo baxay waxaa uu meesha ka saaraya wararkii maalmahan la isla dhex marayay in bankiga Barclays bank uu ka laabtay go’aankiisa hore ahaa inuu joojin doono wada shaqeyntii uu la lahaa xawaaladaha Soomaalida.

Waxaa jirtay dadaalo ay waday Dowladda Soomaaliya oo bankiga Barclays bank kaga codsatay inuu go’aankiisa ka laabto sido kale Hay’adaha Caalamiga ayaa bankiga Barclays bank culeys ku saarayay inuu go’aankiisa ku joojinayo wada shaqeynta xawaaladaha Soomaaliya la lahaa.

Xawaaladaha ayaa waxay qabtaan shaqooyin muhiim ah maadama ehelada dibada ku nool ay lacag ugu dirsadan familadooda ku nool gudaha soomaaliya.

Haddaba faahfaahinta warkan goor dhaw ayaa idin soo gudbinaynaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here