Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Koonfur Afrika oo geeriyooday

0
160

Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Koonfur Afrika Danjire Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi ayaa saaka ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.Danjire Sayid Xasan ayaa xanuunsanaa labadii maalmood ee u dambeeyay, isagoo qabay xanuunnada dhiig-karka iyo sonkorta.
Danjire-Shariif
Geeridiisa waxaa xaqiijiyay qaar ka mid ah madaxda dalka oo ka tacsiyeeyay dhimashadiisa.
Danjire Sayid Xasan ayaa si rasmi ah u noqday safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika bartamihii February ee sanadkan.
Wuxuu dadaal dheer u galay siduu u gacan siin lahaa tobanaan kun oo Soomaali ah oo u badan ganacsato oo dhibaatooyin isugu jira dil iyo boob loogu geysto dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here