RA'IISAL WASAARE Saacid oo cod qarsoodi ah laga duubay

0
164

Ururka Raaskambooni ayaa waxay sheegeen inay heleyn cod moobeel looga duubay Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) xilli uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Abdi_FarahUrurka Raaskambooni ayaa sheegay in codkaan Raa’isal Wasaaraha looga duubay kulan uu Magaalada Baydhabo uu kula qaatay hal habeen kahor, Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Deegaanada Gobolka Baay.

Korneyl C/nuur Jaamac oo kamid ah Saraakiisha Ururka Raaskambooni, ayaa wuxuu sheegay inay heleyn cod cadeynaaya in Raa’isal Wasaaraha Somaliya, uu Odayaasha iyo waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle, uu ka codsaday in lagu yabooho 1200 oo askari, oo weerara sida uu sheegay Magaalada Kismaayo.

Korneyl C/nuur Jaamac ayaa wuxuu magaca Alle uu ku maray inay gacanta ku hayaan codkaasi, isla-markaana wuxuu sheegay inay maalmaha soo socda u soo bandhigi doonaan Saxaafada.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay u gudbin doonaan Qaramada Midoobe, isla-markaana wuxuu sheegay inay muujin doonaan fashilka Xukuumada uu hogaamiyo sida uu yiri Saacid.

C/nuur Jaamac ayaa wuxuu xusay inay isu heyb yihiin Raa’isal Wasaare Saacid, inkastoo sida uu sheegay inuu ka xun yahay inuu fashiliyo xog sidaan u culus, ayuu hadana sheegay inuu Waajib ka saaran yahay, sidii uu u joojin lahaa dagaal dambe, oo uu dhiig ku qubto oo ka dhaca Magaalada Kismaayo.

Laakiin eedeynta maamulayaasha maleeshiyada Raaskanbooni lama haayo war madax banaan oo cadeynaya in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya hadalkaas ku dhawaaqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here