La iskuma haleyn karo Diyaaradaha ka soo dega Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho sidaas waxaa yiri….

0
157

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa wuxuu sheegay inaan leesku haleyn karin diyaaradaha ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha MuqdishoGudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay xaalad amni xumo ay ka jirto Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inay si xowli leh ay diyaaradaha isaga soo deggayaan Garoonka Aadan Cadde, isla-markaana wuxuu sheegay inaan la kala garaneyn sida loo kala lee yahay diyaaradahaasi.
Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan jirin cid si gaar ah uga shaqeysa, oo ula socota xaaladaha kala duwan ee diyaaradaha, waayo buu yiri lama kala garan karo inay diyaaradu wanaagsan tahay iyo in kale.
Tarsan ayaa wuxuu ku dhawaaqay wax kasta oo dhibaato leh oo ka yimaada diyaaradahaan, inay kala xisaabtami doonaan Wasaarada ku shaqada leh, oo uu sheegay in looga baahan yahay inay xil weyn iska saarto.
Isniintii ayay ahayd markii uu xaalad khatar leh uu ka badbaaday Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay cilad ku timid diyaaradii uu la socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here