Baroon wax Gumaada & Maatada Baas Jiidha & Xukunku Boob maaha’ee Burburiyoow Hooy i Maqal (HEES CUSUB OO LOO QAADAY DR. FAROOLE Daawo).

0
78

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ah Abwaan reer Puntland ah ayaa maanta (Sabti 24 Nov, 2012) soo saaray hees cusub oo la magac baxday BADBAADO taas oo uu Abwaanku kaga jawaabayey mudaharaadkii shalay sida nabada ah uga dhacay Magaaladda Qardho ee Gobolka Karkaar & Sida Ciidamada Puntland ay rasaas ugu fureen shacabkaas.
Abwaanka ayaa horay u  sameeyey Heesta Calanka Puntland & Heeso kale oo wadani ah oo uu ku amaanayo Puntland.
Wuxuu kale oo Hees Amaan ah horay ugu qaaday Madaxweynaha Puntland taas oo la magac baxday MADAXAWAYNE DHALADO DHAQALAHA KU XEEL DHEER laakiin sida ka muuqata Heestan cusub Abwaanku wuxuu ku muujinayaa sida biloowgii Dr. Faroole loogu han weynaa & sida uu hada u dhaqmayaa inay yihiin si kala duwan sida ka muuqata miraha ah:-
BILOW MADAXWEYNAHOOW
LIBAAXII BAABULIYO
HALYEY NOOSOO BAXOO
SIYAASADA BAARJAROO
PUNTLAND WAAR HAGIKARIYO
BADHAADHAAN KU MOODAYEE
BESTAABAAD SAW AHAYD
Abwaanku wuxuu heestiisa ku muujiyey inuu quus ka istaagay waanada & fariimaha gaarka ee uu u diri jiray Madaxweynaha si uu wax u saxo wuxuuna yiri :-
DHAAXAAN KUU BAAQAYOO
DHANBAALADA BUURANIYO
BARAARUJIN SOO TEBSHEE
BARASHADA MAANTANA KU TIDHI
Wuxuu Abwaanku Heestan fariin ugu diray Madaxweynaha Puntland isagoo u muujiyey sida aysan suurtagal u ahayn in uu xoog wadanka ku sii haysto isagoo uga digay in dadka maatada ah loo adeegsado xoog & rasaas :-
BAROON WAX GUMAADA IYO
MAATADA BAAS JIIDHA IYO
XUKUNKU BOOB MAAHA’EE
BURBURIYOOW HOOY I MAQAL
Halkan hoose ka Daawo Heesta BADBAADO ee loo soo qaaday Madaxweynaha Puntland

Miraha Heesta Badbaado ayaa ka kooban.
BILOW MADAXWEYNAHOOW
LIBAAXII BAABULIYO
HALYEY NOOSOO BAXOO
SIYAASADA BAARJAROO
PUNTLAND WAAR HAGIKARIYO
BADHAADHAAN KU MOODAYEE
BESTAABAAD SAW AHAYD
DHAAXAAN KUU BAAQAYOO
DHANBAALADA BUURANIYO
BARAARUJIN SOO TEBSHEE
BARASHADA MAANTANA KU TIDHI
HOGAANSHE BA’AAGU NOQOY
XILKABA BAASHAADA DHIGO
TALADA AARAN BAAS U DHIIB
KELIGII WIILKAAGA BOQOR
BASANBAAS TII QABTIYO
NINKII BA’AYABA HADHUGAN
DADKAA BA’AYABA HA DHUGAN
BAASHOOW MADAXWEYNAHOOW
HADAAD BOQORKII DIRTOO
SULDAANKII BAQOOLISOO
UGAASKIINA BAYDHISOO
ISLAANKII BAYDADOO
GARAADKII BAADI YAHAY
MAXAA KUU BAAQI NOQON?
BAROON WAX GUMAADA IYO
MAATADA BAAS JIIDHA IYO
XUKUNKU BOOB MAAHA’EE
BURBURIYOOW HOOY I MAQAL
HOGAANSHE BA’AAGU NOQOY
XILKABA BAASHAADA DHIGO
TALADA AARAN BAAS U DHIIB
KELIGII WIILKAAGA BOQOR
BASANBAAS TII QABTIYO
NINKII BA’AYABA HADHUGAN
DADKAA BA’AYA HA DHUGAN
Waa Heestii ugu horaysay oo ka hadleesa Arrimaha Puntland oo la soo saaro tan & intii ay Puntland ka bilowdeen muranka siyaasadeed ee ku aadan mudo kordhinta Xukuumadda Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) waxaana tiriyey miraha Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil halka ay soo qaadeen Kooxdii Badbaado Group.
Hadii aad Jeceshahay inaad si gaar ah ula xiriirto Abwaanka kala Xiriri Facebookiisa oo ah

Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril

Horseed Media
London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here